Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Talaado ah hortagay maxkamad ku taalla magaalada Tel Aviv, si uu markii ugu horreysay uga marqaati furo kiiskiisa musuq-maasuqa.
Netanyahu, oo marar badan isku dayay inuu dib u dhigo ka soo muuqashadiisa maxkamadda, ayaa ah ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Israa'iil ee isaga oo xilka haya wajaha dacwad dambi ah.
Wuxuu wajahayaa saddex kiis oo kala duwan oo la xiriira laaluush, wax isdaba marin iyo ku xad gudub kalsoonida shacabka.
Dhageysigii Talaadada, ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa ka jawaabay eedeymaha iyo marqaatiyada ay fureen dad ay ku jiraan kaaliyayaashiisii hore ee aadka ugu dhawaa.
Dhowr qof, oo ay ku jiraan dibad-baxayaal ka soo horjeeda Netanyahu iyo taageerayaashiisa, ayaa isugu soo baxay bannaanka maxkamadda, halka qaar ka mid ah xildhibaannada garabka midig ay ka soo qeybgaleen fadhiga, kaasi oo lagu qabtay hool ku yaalla dhulka hoostiisa sababo amni dartood.
Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo ku sugan banaanka maxkamada ayaa soo sheegay in taageerayaasha ra’iisul wasaaraha ay ku dhawaaqayeen “Netanyahu, dadku waa ku taageersan yihiin”, halka dibad baxayaasha muddo bilo ah isaga kasoo horjeeday ay ku dhawaaqayeen “Bibi wuxuu galayaa xabsi”.
"Waxaan ka hadli doonaa maxkamada, kama cararayo," Netanyahu ayaa ku yiri shir jaraa'id oo uu qabtay fiidnimadii Isniinta.
"Siddeed sano ayaan sugayay maalintan, siddeed sano oo aan doonayay inaan runta soo bandhigo, siddeed sano ayaan sugayay inaan gebi ahaanba burburiyo eedeymahan nacasnimada ah ee aan salka iyo raadka lahayn ee iga dhanka ah," ayuu yiri, isaga oo ku tilmaamay " ugaarsi been abuur ah".
Tel Aviv —
Madal