Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya


Obama oo ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya
Obama oo ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya

Madaxweyne Barack Obama waxa uu sheegay in dalkiisu uu doonayo in uu arko Soomaaliya oo guuleysatay oo ka madaxbannaan argagixisada xagjirka ah.

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama ayaa talaadadii ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya. Mr. Obama waxa Soomaaliya ku soo hadal qaaday kulan uu Aqalka Cad ee magaaladan Washington kula yeeshay Dhalinyaro ka kala timid dalal Afrikaan ah.

Obama waxa uu sheegay in Maraykanka uu doonayo in Soomaaliya ay guuleysato, ayna taageerayaan dowladda kmg ah oo uu sheegay inay sameyneyso dadaal badan. Laakiin wuxuu yiri in maamul kastaa oo yimaada uusan sugin Soomaaliya inay deg deg ugu tallaabsato hab dimoqraadiyadeed.

Mr. Obama waxa uu arrinta Soomaaliya ka hadlay ka dib markii ay su'aal la xiriirta weydiisay Najmo Axmed Cabdi oo ah gabar Soomaaliyeed oo kulanka lagu casuumay.

XS
SM
MD
LG