Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odinga oo shuruud ku xiray wada-hadal uu la galo Ruto


Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa Axadda maanta ah in caddaalad la helo shuruud kaga dhigay wadahadal kasta oo uu la yeesho dowladda Kenya muddo bil ah ka dib dibadbaxyo ay dad ku dhinteen.

“Waa in caddaalad ay ka horraysa wadahadal kasta,” ayuu yiri Odinga, isaga oo daba socda toddobaadyadii ay socdeen mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo kordhinta canshuuraha taasi oo uu madaxweyne William Ruto ka laabtay ka dib markii uu curtay bannaanbax hab nabadeed markii hore ku billowday laakin isku badalay rabshado ay tobaneeyo qof ku dhinteen ka dib markii qaar ka mid ah mudaaharaadayaashu ay weerareen baarlamaanka.

Odinga, oo 79 jir ah, oo Ruto uu kaga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee 2022-kii ayaa sheegay in ay tahay “in wada hadal heer qaran ah,” uu dhex maro qaybaha kala duwan ee bulshada.

Odinga ayaa bogga X ku soo qoray in doodaha noocan oo kale ah ay ka yimaadaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, dawladda, culimada, xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, qareennada iyo macallimiinta.

Waxa uu intaa ku daray in “mag-dhow la siiyo qof kasta oo dhibane u noqday booliiska” inta ay bannaanbaxyadu socdeen.

Dhaqdhaqaaqayaal ay hoggaaminayaan dhalinyaro Kenyaan ah ayaa bilaabay dibadbaxyada balse maamulka ayaa u diray ciidamo aad u hubeysan oo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha lagu kala eryo dibadbaxayaasha.

Dibad-baxayaasha ayaa booliiska usoo jeediyay dhaleeceen ah in ay “awood xad-dhaaf ah” adeegsadeen.

Jimcihii ayuu Ruto magacaabay gole wasiirro oo cusub oo qayb ahaan hoggaamin doona xukuumad sal-ballaaran, isaga oo isku dayaya in uu qaboojiyo qalalaasihii ugu xumaa ee ku dhawaad labadii sano ee uu xilka hayay.

Laakiin isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka ayaa islamarkiiba xukuumadda cusub ku tilmaamay mid aan macno badan sameynin, waxayna ku adkaysteen in aysan ku biiri doonin dowlad midnimo qaran oo uu hogaamiyo Ruto.

Madal

XS
SM
MD
LG