Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ololaha Trump iyo Harris oo isku diyaarinaya dagaal sharci


Maalinta berri ah oo ay bishan November ku beegan tahay 5, waxaa dalkan Mareykanka looga dareerayaa doorashada wadankan 4-tii sana mar laga qabto ee madaxweynaha iyo qaar ka mid ah kuraasta sharci-dejinta.

Doorashada sanadkan oo dhinacyo badan uga duwan doorashooyinkii hore ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda Mareykanka, waxaana ku baratamaya madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan Kamala Harris, oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah.

Marka la eego ra’yi ururinta dadweynaha Mareykanka, baratanka labadan murashax ayaa ah mid aad la isugu dhow yahay, sidaas oo ay tahayna kooxahooda doorashada waxay ku baraarugsan yihiin dagaal dhinaca sharciga ah oo ka dhalan kara natiijada doorashada.

Wariyaha VOA-da Veronica Balderas ayaa warbixintan inoo diyaarisay. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa inoo soo koobaya.

Ololaha Trump iyo Harris oo isku diyaarinaya dagaal sharci
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG