Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF oo Haddalkii Zenawi Beenisay


ONLF oo Haddalkii Zenawi Beenisay
ONLF oo Haddalkii Zenawi Beenisay

Gudd. kuxigeenka ONLF ayaa beeniyey hadal uu Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia ku sheegay in heshiis uu la saxeexan doono garab ONLF ka tirsan

Guddoomiye kuxigeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Caddaani Hiirmooge ayaa hadal uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ku tilmaamay mid uu ku qarinayo dhaleecooyinkii xaga doorashada ee kaga yimid Maraykanka, Yurub, iyo hay’ado kale.

Haddalkan ayaa yimid markii kadib Ra’iisal Wasaaraha Waddanka Ethiopia uu sheegay in xilli dhow ay heshiis la saxeexan doonaan sida uu hadalka u dhigay qeyb weyn oo ka tirsan Jabhadda ONLF.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale carabaabay heshiiskii ay dhawaan la galeen ururka Midowga Xoreynta Soomaali Galbeen oo uu sheegay inuu yahay ururkii horey loo odhan jiray Al-Itixaad, isagoo intaas raaciyey in xilligii xagjirnimadu ay dhamaatay oo dadku ay ka daaleen gacan-ka-hadalka.

XS
SM
MD
LG