Garoowe —
Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa nasiib daro ku tilmaamay go’aanka ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay lagu soo geba-gebeeyay Muqdisho.
Madaxdan ayaa ku heshiiyay qorshaha geedi socodka bilaabista doorasho qaran oo qof iyo cod ah, oo lagu sii billaabayo bilaha June iyo September ee sanadkan 2025-ka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.
Warbixintan waxaa Garowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.
Madal