Sida ay qortay warbaahinta dowladda, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku fulisay 18 qof oo 13 ka mid ah ay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish, halka kuwa kalena ay ahaayeen askar ka tirsaneyd ciidamada Puntland.
Askartan ayaa hore dilal kala duwan uga fuliyay deegaannada Puntland, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Toogashada raggan ayaa ka kala dhacday magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso iyo Qardho.
Maxkamadda Ciidamada ee Puntland ayaa sidan oo kale u toogatay 21 xukamane oo 18 ka mid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, 22-kii bishii June ee sanadkii 2021-kii.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Puntland Colonel Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin uga waramay tirada Raga maanta ay maxkamadu toogatay iyo dambiyada ay ku eedeysnaayeen.