Daahir C/laahi Kadiye oo sheegay inuu qeyb weyn ka qaatay soodeynta lamaanihii Britain ee shalay la sii daayay ayaa wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA.
Daahir, wuxuu wareysigan uga hadlay qaabkii siideynta ku suurogashay, wuxuuna sheegay in bulshada deegaanku, maamulka Ximin iyo Xeeb, DKMG iyo Soomaali badani ay gacan ka geysteen siideyntan.
Daahir Kediye, wuxuu caddeeyey inaan lacag madax furasho ah laga bixin siideynta lamaanaha.
Dhageyso wareysiga ay VOA la yeelatay Daahir C/laahi Kediye.