Jowhar —
Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay qarax saakalala eegtay kolonyo baabur ah oo la socdeen xubno isugu jiray siyaasiyiin iyo guddiga doorasha heer federal, kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Mahad Omar Abdi oo xubin ka ah gudiga doorashada heer federaal ayaa qaraxa ka badbaaday, iyada oo sidoo kale dadka kolonyada la socda ee ka badbaaday ay ka mid ahaayeen siyaasiyiinta kala ah Bakiin Maaxi Macalin, Xildhibaan Cabdullahi Cade, iyo gudoomiyaha degmada Warsheikh,
Dhammaan masuuliyiinta lagu weeray duleedka magaalada Jowhar ayaa ku sii jeeday Muqdisho, kadib markii ay goobjoogeyaal ka noqdeen, qaarkoodna ay ka qeyb galeen kuraast doorashada Golaha Shacabka.