Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Afgooye


Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobola Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu maanta ka dhacay gudaha degmadaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ee dhawaan degmadaasi ka qabsaday kooxda al-Shabaab.

Qaraxan oo lagu fuliyay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa la sheegayaa in lala eegtay dugsigii sare ee degmada Afgooye, halkaasoo ay si KMG ah u dagan yihiin ciidamada dowladda

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee qaraxan uu dhaliyay, hasse yeeshee waxaa jira, warar sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac.

XS
SM
MD
LG