Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, tira kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay VOA u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan halkaas.
Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa lala eegtay guri uu Maxaas ka degan yahay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka, waloow annu xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.
Muumin Maxamed Xalane ayaa VOA u sheegay weerraradan ay ahaayeen kuwa 'aragagixiso', isaga oo intaas ku daray in hay'adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.
Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.