Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ka digtay macluul ka dillaacda South Sudan


Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa dhibaatooyin caafimaad iyo macluul daran oo ka dillaaca waddanka South Sudan, xilli ay sidoo kale dhici karto in xaaladda dalkaasi ay uga sii darto duufaanta El Niño, oo ah cimilo wadata kuley iyo roobab xad-dhaaf ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.3 milyan oo dadka South Sudan ah ay la il-daran yihiin gaajo aad u daran, iyada oo in ka badan 9 milyan oo ka mid ah dadka dalkaas oo 12 milyan ah ay ku tiirsanaan doonaan gargaar bani’aadannimo.

Warbixin ay arrinkan ka diyaarisay weriyaha VOA Lisa Schlein waxaa inoo soo koobaya Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue).

QM oo ka digtay macluul ka dillaacda South Sudan
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:46 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG