Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 qof oo dhintay markii dad baabuur lagu jiirsiiyey New Orleans


Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad ku sugnaa goob caan ah oo dadka dalxiisayaasha ah ay ku badan yihiin, taas oo ku taalla magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida uu sheegay maamulka magaalada.

Barnaamijka U-diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ayaa sheegay in maamulka degmada 8-aad uu ka shaqeynayo caawinta dad badan oo dhaawacmay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa inta u dhaxaysa labada waddo ee Canal iyo Bourbon.

Toban qof ayaa dhintay 30 kalena way dhaawacmeen, ayaa lagu yiri warbixinta maamulka.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaanan sheegin waqtiga uu shilku dhacay, hase yeeshee, goobta ayaa waxaa ka buuxay dad meel kale ka yimid oo u dabbaal degayey sanadka cusub. Qeybtan magaalada ayaa loo yaqaanaa xaafadda Faransiiska.

Warbaahintga CBS ee Maraykanka ayaa soo xigatay qof goobjoog ahaa oo sheegay in baabuur truck ah oo xawaare sare ku socday uu dadka jiiray, ka dibna darawiilkii inta uu baabuurkii ka soo booday uu dadkii xabbad ku furay.

Qofkii goobjoogga ahaa ayaa intaas ku daray in booliiskuna uu rasaas ugu jawaabay.

Qofka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey falkan ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen booliska, sida ay sheegeen saraakiisha sharci-fulinta.

Hay'adda FBI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka u baareyso "ficil argagixisanimo, ayada oo kaashaneysa hay'adaha kale."

Alethea Duncan oo ah kaaliyaha wakiilka FBI-da ee xafiiska New Orleans ayaa sheegtay inay sidoo kale baarayaan ugu yaraan hal aalad oo la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa oo goobta laga helay.

Madal

XS
SM
MD
LG