Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ay booqasho uga billaabatay Kenya


Xamza Cabdi Barre
Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, safarka ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka, amniga gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo hadlay kadib tagitaankiisa Nairob, ayaa sheegay in labada dal ay saxiixan doonaan heshiisyo dan u ah labada dal iyo gobolka.

Waxa uu sheegay in maalmahan ay magaalada Nairobi ku sugnaayeen guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya oo kulamo la lahaa guddi ka socda Kenya, kuwaasi oo diyaariyey qodobada heshiiska la saxiixi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in inta uu joogo magaalada Nairobi uu la kulmi doono bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la-dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo marar badan xumaaday intuu uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo hagaagay kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Faah-faahin dheeraad ah, waxaa Nairobi kasoo dirtay Intisaar Salax Xuseen.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ay booqasho uga billaabatay Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:10 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG