Muqdisho —
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda qorshaynta iyo wasiir ku-xigeenka waxbarashada kadib markii dhawaan ay xilkan iska casileen laba xubnood oo horay u hayay.
Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Jubbaland, oo la rumeysan yahay in is-casilaadda wasiiradii la beddelay ay salka ku hayso.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa bishii October ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socday Muqdisho xilligaas.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkaan kasoo diray Muqdisho.
Madal