Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Xamza oo socdaal ku tegay Beledweyne


Xamza Cabdi Barre
Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo bilihii dhowaa uu ka socday dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka HrShabeelle, Yuusuf Axmed Hagar, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, masuuliyiin iyo dadweyne fara badan.

“Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku heysa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxaa magaalada Beledweyne horey ugu sii sugnaa wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, haweenka, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Waa socdaalkii labaad ee ra’iisul wasaare Xamza uu ku tago magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana xafiisku sheegay in tani muujineyso “ahmiyadda iyo mudnaanta uu ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka dhanka ah” kooxda Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa Beledweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Ra'iisul Wasaare Xamza oo socdaal ku tegay Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00

XS
SM
MD
LG