Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo u baxay safarkii ugu horreeyey ee dibedda


Xamza
Xamza

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa goor dhaweyd u ambabaxay magaalada Tunis ee dalka Tunisa, halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa, kaas oo ay si wadajir u martigelinayaan Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Midowga Afrika.

Japan ayaa lagu wadaa in ay u ballan qaado ilaa 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah oo loogu talagalay horumarinta Afrika shirka lagu qabanayo Tunisia dhammaadka toddobaadkan, sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee Sankei Shimbun Jimcihii.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in gargaarkan uu udub dhexaad u noqon doona horumarinta ilaha dhaqaalaha, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha, waxaana shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD) kaga dhawaaqi doona Ra'iisul Wasaare Fumio Kishida, oo qaab fogaan arag ah uga qeyb gali doonaa shirkan maadaama uu kasoo kabanayo COVID-19.

Waxaa sidoo kale shirkan looga hadli. doonaa cuntada yarida Afrika kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine iyo sidoo kale isbeddelka cimilada iyo kor u qaadida ganacsiyada u wanaagsan deegaanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Japan Arbacadii.

Wasiirka arrimaha dibadda Japan Yoshimasa Hayashi ayaa ka qeyb galaya shirkan, waxaana lagu wadaa in Jimcaha maanta ah uu la kulmo dhiggiisa Tunisia kahor inta aysan furmin madasha guud.

Shirkan siddeedaad ee TICAD waa kii gu horreysay tan iyo 2019 waana kii labaad oo lagu qabto qaaradda Afrika.

XS
SM
MD
LG