Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay qaabka uu xisbigiisu olallaha u galay, isaga oo ammaanay qaabka guud ahaan ololuhu u qabsoomay iyo nabadgelyada uu ku dhamaaday.
Daahir Rayaale ayaa tilmaamay in intii uu hayay talada dalka uu waxbadan qabtay kuna dadaalay kashaqeynta xoojinta nabadgaliyada Somaliland.
Rayaale wuxuu xaqiijiyay inuu si aan muran lahayn uu ugu hogaansami doono natiijada ka soo baxda doorashada.
Waraysiga madaxweynaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.