Cristiano Ronaldo ayaa qirtay inuusan fileynin in xilli ciyaareedkan uu ku dhameysan doono fara maranaan iyo koob la'aan kooxdiisa Al Nassr, lakiin weeraryahanka Portugal ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay joogistiisa Saudi Arabia, uuna rajeynayo in ciyaartoy kale oo magac leh ay ay soo raaci doonaan raadkiisa.
Ronaldo waxa uu Al Nass u saxiixay heshiis 2-1/2 sano ah oo ay saxaafaddu ku qiyaastay inka badan 200 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 220.16 milyan oo doolar, isaga oo u saftay bishii January.
Waxa uu dhaliyay 14 gool 16 kulan oo uu ciyaaray laakiin kuma filna in uu kooxdiisa ka caawiyo in ay ku guulaysato horyaalka Saudi Pro League (SPL) iyada oo Al Nassr ay ku dhamaysatay kaalinta 2-aad iyada oo ka dambaysa Al Ittixaad.
38-sano jirkaan oo dhaawac ku seegay kulankii ugu dambeeyay ayaa sheegay in horyaalku uu yahay mid aad loo xifaaltamo balse ay jiraan fursado badan oo lagu horumari karo.
"Waxaan heysanaa kooxo aad u wanaagsan, ciyaaryahanno Carab ah oo aad u fiican, laakiin waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha garoomada - waxay u baahan yihiin inay horumariyaan, xitaa garsoorayaasha, nidaamka VAR, waa inay noqdaan kuwo sidan ka degdeg badan" ayuu ku yiri wareysi uu siiyay SPL.
“Laakin halkaan waan ku faraxsanahay, waxaan rabaa inaan halkaan ka sii wato, ” ayuu raaciyay Ronaldo.
Tan iyo imaatinka Ronaldo, dhowr ciyaaryahan oo kale ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan horyaalka Sacuudiga, iyadoo Lionel Messi uu helay dalab rasmi ah oo uu ugu biirayo Al-Hilal xilli ciyaareedka soo socda.
Reuters.
Madal