Nairobi —
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in ololaha tallaalka xoolaha uu dalka Kenya ka sii socon doono, inkasta oo qaar ka mid ah xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda dalkaas ay walaac ka qabaan in tallaalku uu si un u waxyeeleeyo badqabka xoolahooda.
Wasaaradda beeraha ee Kenya ayaa tallaalkan billowday si looga hortago faafitaanka cudurro dhowr ah iyo in xoolaha laga dhigo kuwo la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah.
Dadka dhaleeceeya talaalkan ayaa su'aal ka keenay waxtarka tallaallada. Wariyaha VOAda Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Gaarisa, Waqooyiga Bari ee Kenya.
Madal