Riyadh —
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay eedo loo soo jeediyay oo sheegaya in Riyadh ay taageertay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Jawaabta Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ay ka caroodeen in dalalka OPEC oo Sacuudiga ay xubin ka tahay ay dhimeen wax soo-saarka saliidda, taasi oo loo arkay inay caawineyso Ruushka.
Warbixintaan waxaa Qahira kasoo diray Xuseen Cusman Saxnuuni.