Addis-Ababa —
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, oo la hadlay idaacadda VOA, ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu guulo kasoo hooyisay dagaalka ay kula jirto kooxda al-Shabaab, islamarkaana dagaalka lagu wiiqay awoodda Al-Shabaab.
Safiirka aya sidoo kale soo dhaweeyay cunaqabataynta hubka ee dawlada Soomaaliya laga qaaday. Safiirka ayaa magaalada Jigjiga ugu warramay weriyahayaga Maxamed Cabdiraxmana Gaataa.
Madal