Dabley hubeysan ayaa xerada IFO II ee Dhadhaab waxay maanta ku afduubteen afar shaqaalaha gar-gaarka oo u shaqeynayay hay'adda qaxootiga ee dalka Norway ee NRC.
Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay darawalkii shaqaalahan oo u dhashay dalka Kenya.
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa xilliyadan danbe waxaa ku soo badanaya amni-xumo baahsan oo saameyn ku yeelatay qaxootiga iyo waliba shaqaalaha gar-gaarka ee u dadkaasi caawiya.
Bishii October ee sannadkii hore ayaa laba haween ah oo samafalayaal ah una dhashay Spain laga afduubtay xeryahaasi, iyadoo aan la ogeyn ilaa wakhtiga meesha haweenkaasi lagu hayo.