Sheekh Maxamed Axmed Nuur "Gadhyare" oo ahaa aasaasihii ururka Islaamiga ee al-Islaax ayaa ka hadlay dilkii hoggaamiyihii ururka al-Qaacida, Osama bin Laden ee 2-dii May ay dalka Pakistan ku dileen ciidamo Maraykan ah.
Sheekha ayaa sheegay in Osama bin Laden uu ijtihaaday, ijtihaadkiisuna la arko meesha uu marsiiyay.
Wuxuu sheegay in Dunida Carabta iyo Dunida Muslimka midkoodna aysan ku qanacsaneyn dhariiqii uu ku socday Bin Laden, hase yeeshee wuxuu sheegay in dhimashada Bin Laden in ay wax ka bedelayso siyaasadda u dhaxeysa reer Galbeedka iyo Carabta.
Wuxuu sheegay in Osama bin Laden loo arkay mushkilad caalami ah, sidaasi darteedna ay waajib tahay inay noqoto mid sideeda ku dhammaato.