Kakuma —
Xerada qaxootiga Kakuma, oo ay ku noolyihiin Soomaali badan, ayaa waxay seddexdii sano ee lasoo dhaafay ka faa’ideysanayeen isticmaalka Solar-ka.
Xerada oo ku taalla meel cimilo ahaan kulul ayaa waxay dadku ka caban jireen dabka ama korontada oo aan ku filneyn, iyada oo dab dhalinta loo isticmaali jiray matoorro ay Soomaali qaxooti ah iibsadeen, laakiin hadda waxaa arrimahaasi bedelay Isticmaalka Solar-ka oo hadda u muuqda mid ka jaban matoorrada, waqti badanna dabkiisa la isticmaali karo.
Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow oo Kakuma booqday ayaa kasoo diray warbixintan.
Madal