Muqdisho —
Gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Isgoyska mashquulka badan ee Soobe ee magaalada Muqdisho, 14kii bishii October sanadkii 2017.
Qaraxaas, oo noqday kii ugu dhimashada badnaa ee argagixiso ee abid ka dhaca Afrika, ayaa waxaa ku nafwaayay dad ku dhow 600 oo qof, 1000 qof ku dhawaadna wey ku dhaawacmeen.
Xusuusta xasuuqaasi ka dhacay Isgyska Zobe weli kama guurin maskaxda Soomaalida iyo dunidaba.
Goobtii uu ka dhacay Qaraxa waxaa ku yaalla taalo xusuuseed loogu magac daray 14-ka October. Hadaba shan sanadood ka dib, waxaa maanta halkaasi tagay wariyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow oo warbixintan nooga soo diray.