Alle ha u naxariistee, waxa maanta magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga ku geeriyooday Sheekh Cumar Faaruuq oo ahaa mufti weyn oo Soomaaliyeed. Geerida sheeka waxa VOA-da u xaqiijiyey qoyska Sheeka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKM ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay geerida Sheekh Cumar Faaruuq, isla markaana tacsi u diray eheladii uu ka baxay sheeku.
Waxa isna ka hadlay Sheekh Maxamed Axmed Cumar (Garyare), kana sheekeeyey taariikhdii sheeka.