Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo maalintii labaad dhoolatus militari ka wada agagaarka Taiwan


In this image taken from video footage run Saturday, April 8, 2023 by China's CCTV, a Chinese fighter jet performs an mid-air refueling maneuver at an unspecified location.
In this image taken from video footage run Saturday, April 8, 2023 by China's CCTV, a Chinese fighter jet performs an mid-air refueling maneuver at an unspecified location.

Ugu yaraan 20 markab oo ciidan, oo toban ay Shiinuhu leeyihiin, tobanna Taiwan ayaa isku hor fadhiya meel u dhow gacanka Taiwan ee kala qeybiya labada dhinac, sida ay ilo wareed xaaladda la socda u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Shiinaha ayaa Axadda maanta ah dhoolatus iyo tababar weerar uu ku qaadayo bartilmaameedyada ciidamada shisheeye ku qabtay xeebaha koonfur-galbeed ee Taiwan, sida ay sheegeen ila wareedkaasi oo diiday in magacooda la soo xigto maadaama aan loo oggoleyn in ay warbaahinta la hadlaan.

Shiinaha ayaa hareeraha Taiwan ka billaabay saddex maalmood oo dhoollatur militari ah Sabtidii, si ay u muujiyaan carada ay ka qaadeen kulanka madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay la yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, iyadoo wasaaradda difaaca ee Taiwan ay sheegtay inay si deggan uga jawaabi doonto.

Dhoolatuskan oo lagu dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay kasoo laabatay Mareykanka, ayaa si weyn loo sugayay kadib markii Shiinuhu uu cambaareeyay kulankii uu afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykank Kevin McCarthy kula yeeshay Los Angeles.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan oo si dimoqraadi ah loo maamulo, inay tahay dhul ay iyadu leedahay, iyada oo Shiinuhu aanu weligiis ka fogaan inay xoog u adeegsato si ay jasiiraddaas u maamusho.

Dowladda Taiwan ayaa si adag uga soo horjeeda eedeymaha Shiinaha.

XS
SM
MD
LG