Shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa caadi kusoo laabatay kadib shil diyaaradeed oo halkaasi ka dhacay maanta duhurkii.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaarad rakaab sidday oo ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaana ee Muqdisho. Diyaaradda ayaa nooceedu yahay E120.
Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay siday 34 qof oo iskugu jira shaqaale iyo rakaab, isla markaana ay ka timid magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku duulaysay magaca shirkadda Halla Airlines.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa u sheegay VOA in dib loo furay dhabahii diyaaradaha, xaaladda garoonkuna haatan caadi kusoo laabatay.
Faah-faahinta warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK.
Madal