Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siyaasiin uga digay madaxweyne Xasan 'isku moddo kororsi'


Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Shariif Sheekh Axmed
Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Shariif Sheekh Axmed

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka digay in isku day muddo kororsi oo ay ku eedeeyeen inuu madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayey ku yiraahdeen “Waxaana markii labaad la dhaafay jadwalkii loo asteeyay qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka iyo dowladgoboleedyada, taas oo caddayn u ah in uusan madaxweynuhu dalka u wadin doorasho qof iyo cod ah.”

“Waxaan si adag u diiddannahay muddo kordhinta uu madaxweynuhu ku qasbayo madaxda dowlad-goboleedyada ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga beddelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15-ka May 2026.”

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maalmihii dhowaa ku shirsanaa Muqdisho, balse waxaa maanta dib ugu laabtay Kismaayo madaxweynaha Jublanad Axmed Maxamed Islaam, ayada oo wararku sheegayaan in shirka uu ka baxay ayada oo aan la isku raacin qodobadii laga dooday.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabin eedda cusub ee mucaaradka, balse waxay horey u beenisay inuu jiro qorshe muddo kordhin, waxayna ku adkeysatay in madaxweynaha ay ka go’an tahay doorasho qof iyo cod ah, oo shacabka dib loogu celinayo go’aanka ayaahooda.

Balse mucaaradka ayaa ku eedeeyey madxweynaha in sheegashada doorasho qof iyo cod ah ay tahay isku day waqtiga lagu dheereysanayo, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxay sheegeen in ay bogaadinayan mowqifka Madaxweynaha Jubbaland “ee ah in aaney doorashooyinka madaxda dowlad-goboleedyadu dhaafin inta ka harsan sannadkan, si aaney sharciyad laʼaan u sii joogin xukunka, looguna diyaargaroobo doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha ee 2026.”

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaan weli laga soo saarin wax war ah, waxaana weli Muqdisho ku sugan madaxda dowlad goboleedyada ee horey ugu sugnaa shirka, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ku laatay Kismaayo.

Madal

XS
SM
MD
LG