Guddida caddaaladda ee Somaliland ayaa xil ka qaadis iyo isku beddel ku samaysay in ka badan 100 garsoore iyo xeer-ilaaliye oo guud ahaan gobollada Somaliland oo idil ah.
Guddiga ayaa xubnaha qaarkood u magacaabay xilal sare, halka qaar kalena xilalkii ay hayeen laga qaaday.
Arrintan ayaa timid kadib cabashooyin tiro badan oo dadweynaha ay kasoo gudbiyeen garsoorka iyo caddaaladda Somaliland. Waxaa lagu warramay inay jiraan illaa ku dhowaad kun cabasho oo laga soo gudbiyey garsoorka Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida caddaaladda Aadan Xaaji Cali ayaa weriyaha VOA Barkhad Kaariye uga waramay is-beddeladan cusub.