Laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen iska horimaad shalay ka dhacay magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen, kaasoo dhexmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed taabacsan guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Yemen Sheekh Cabdalla al-Axmar.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay iska horimaadkaasi oo laba ka mid ihi Soomaali ay yihiin, kuwaasoo degganaa xaafadda uu dagaalku ka dhacay.
Maxamed Xasan Cali oo ahaa arday iyo wiil kale oo magaciisa lagu soo koobay Cabdifataax oo ka mid ahaa Soomaalida qaxootiga, kuwaasoo maydadkooda la geliyay qaboojiyeyaal yaalla Isbitaalka al-Thowra.
Ciidanka dowladda ee iska horimaadkaasi ku lug yeeshay ayaa waxay ku sugnaayeen xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhow halka uu degan yahay guddoomiyaha baarlamaanka.
Isku dhacan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo mudaaharaadyada ka dhanka ah madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.