Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya 'oo qorsheynaysa' miisaaniyad 50% ka timaada kalluumeysiga


Xamza Cabdi Barre
Xamza Cabdi Barre

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in miisaaniyadda dalka ay sanadaha dhow 50 boqolkiiba ka timaado kalluumeysiga, waxaaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, oo uu ku daah-furay “Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed “ka faa’iideysan lahaayeen kheyraadka ceegaaga” badda Soomaaliya.

Waxa uu yiri, in xukuumadda ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda, buu yiri, wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Xamza ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu “xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira” xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu “in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Madal

XS
SM
MD
LG