Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuriya: Maxaa xiga xukun ka tuurista Bashar al-Assad?


Kooxda mucaaradka Suuriya ayaa Axaddii sheegtay inay soo afjareen xukunkii Bashar Al-Assad oo dalkaasi muddo dheer kasoo talinaayey, kaddib marki ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Bashar ayaa hadda ku sugan dalka Ruushka oo magangalyo laga siiyay isaga iyo qoyskiisa, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

Jabhadda Xayaat Taxriir Al-Sham, ayaa xukun ka tuurista Assad ka shaacisay xarunta raadiyaha iyo teleefishinka qaranka ee Suuriya.

Qabsashada xukunka ee Jabhadda Xayaat Taxriir Al-Shaam iyo xulufadeeda ayaa ka dhigan in Suuriya ay u dhaqaaqday jiho cusub iyo inay gashay waayo ka beddalan kuwii ay kusoo jirtay kontonkii sano ee lasoo dhaafay.

Haddaba xaaladihii u dambeeyay dalka Suuriya, waxyaabah keenay in si lama filaan xukunka looga tuuro Bashar Al-Assad, jihada cusub ee Suuriya ay u dhaqaaqday iyo waxay yihiin kooxaha awoodda qabsaday ayaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal uu ka waraystay Ibraahim Maxamed Maxamuud Waranbari oo ka faallooda arrimaha carabta iyo bariga dhexe kuna sugan gobolka Minnesota.

Suuriya: Maxaa xiga xukun ka tuurista Bashar Al-Assad?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:55 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG