Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababaraha cusub ee Fenerbahce Jose Mourinho oo gaaray Istanbul


(FILES) In this file photo taken on November 11, 2018 Manchester United's Portuguese manager Jose Mourinho smiles before the English Premier League football match between Manchester City and Manchester United at the Etihad Stadium in Manchester, north wes
(FILES) In this file photo taken on November 11, 2018 Manchester United's Portuguese manager Jose Mourinho smiles before the English Premier League football match between Manchester City and Manchester United at the Etihad Stadium in Manchester, north wes

Macalinkii labada jeer ku guuleystay koobka Champions League Jose Mourinho ayaa gaaray Istanbul, Axadii, iyada oo lagu wado in loo magacaabo tababaraha cusub ee kooxda Turkiga Fenerbahce.

Macalinka reer Portugal oo kula guuleystay kooxaha Porto iyo Inter Milan tartanka Champions League ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii laga ceyriyay kooxda ka ciyaarta Serie A ee Roma bishii Janaayo.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo taageerayay naadigiisa cusub.

61-sano jirkaan ayaa Sabtidii garoonka Wembley khibraddii kula wadaagay falanqeynta telefishanka kulankii Real Madrid ay 2-0 kaga badisay Borussia Dortmund finalka Champions League.

“Habeen wanaagsan taageerayaasha Fenerbahce, waxaan idinku arki doonaa berrito Kadikoy (xafada Istanbul oo ay kooxdu ka dhisan tahay) oo aan si wadajir ah u bilowno safarkayaga,” ayuu Mourinho ku u sheegay teegeereyaasha kooxdiisa cusub..

Wararka ayaa soo jeedinaya in Mourinho uu heshiis labo sano ah u saxiixi doono Fenerbahce, oo ka mid ah seddexda kooxood ee waa weyn ee Istanbul oo aan ku guuleysan horyaalka gudaha muddo 10 sano ah.

Mourinho, oo sidoo kale soo maamulay Chelsea, Manchester United, Tottenham iyo Real Madrid, ayaa Roma laga ceyriyay kadib labo sano iyo bar bishii Janaayo.

AFP.

Madal

XS
SM
MD
LG