Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden:Talaabo waa in la qaataa si loo kobciyo Dhaqaalaha


Joe Biden:Talaabo waa in la qaataa si loo kobciyo Dhaqaalaha
Joe Biden:Talaabo waa in la qaataa si loo kobciyo Dhaqaalaha

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in xukumadda Mareeykanka ay talaabo qaadan doonto hadii xitaa xubnaha Jamhuuriga ay baasin waayaan hindise sharciyeedka shaqada

Madaxweyne ku xigeenka Mareeykanka Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu talaabo qaadan doono hadii buu yiri ,Xubnaha Republicanka ee congresska ay ku guul dareeystaan ineey gudbiyaan sharciga shaqooyinka ee uu soo gudbiyay maamulka ay gacanta ku hayaan demuquraadiyiinta

Isagoo buuxinayay booskii madaxweeynaha ee qudbadiisii saxaafadda ee todobaadlaha aheeyd ayuu madaxweeyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden sheegay in waqtiyada adag loo baahanyahay in talaabooyin deg deg ah la qaato

Madaxweyne ku xigeenka Mareeykanka ayaa sheegay in Madaxweeyne Obama uu mar hore isticmaalay awoodiisa fulinta si uu u yareeyo bixinta deymaha ardayda oo uu ka caawiyo rug cadaageena sidii ay shaqo ku heli lahaayeen oo markaasina dadka guryaha leh ay dib ugu eegi lahaayeen qiimaha lacagaha ay isaga bixinayaan guryahooda

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha uu waqti ku bixiyay shir weeynihii dhowaa ee dalalka warshadaha horu maray ee la isku yiraa G 20 ee ka dhacay dalka Faransiiska. Madaxdaasoo isku dayayay ineey xaglo daacin ka badbaadiyaan qorshaha soo kabashada dhaqaalaha, iyadoo dhinaca kale dalalka ugu tunka roon dhaqaalaha ee Yurub ay sidoo kale ku howlanyihiin wax ka qabashada deeymaha sii kordhaya

XS
SM
MD
LG