Odayaasha guurtida Taleex ayaa fadhi ay maalmahan ku lahaayeen degmada Taleex ee gobolka Nugaal waxay ka soo saareen go'aamo ku aadan colaadaha, abaaraha iyo nabadgelyada.
Waxay ugu baaqeen maamulka Soomaaliland inuu ciidamadiisa kala baxo deegaanada ku dhow Kalshaale ee ay dhowaan ku dirireen maleeshiyo beeleedyo.