Madaxweynaha Galmudug Axmed Cadi Kaariye Qoorqoor ayaa la kulmay saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo, isaga oo kala hadlay 'xoojinta' howlgallada ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howlgallada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-shabaab, iyadoo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale Mareykanka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii deegaannada laga xoreeyay maleeshiyada Al-shabaab dib loogu soo celin lahaa adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.
Deegaannada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay dabayaaqada bishii hore Al-shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere.
Militariga Mareykanka ayaa toddobaadkii hore sheegay inay weerar dhinaca cirka ah ku dileen 30 ka tirsan Al-shabaab meel u dhow Xarardheere, kadib codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.