Ku soo dhowaada qeyb labaad oo ku saabsan taxanaha Socdaalada Tahriibta ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ugu safraan qurbaha.
Qeybtan waxay si gaar ah diiradda u saarysaa siday muhaajiriinta Soomaaliyeed ay ugu guuleystaan amma ay ugu guul darreystaan bar-tilmaameedka ay hiigsadaan, amma meesha ugu dambeysa ee ay qorsheysteen inay tagaan.
Barnaamijka waxaa soo diyaarisay Caasho Ibraahim, iyada ayaana soo jeedineysa.