Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka


Warkii ugu weyna ee dhinaca Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah in John Fetterman uu ku guuleystay kursigii Senate-ka  ee gobolka Pennsylvania oo ay hore u heysteen Jamhuurigu.
Warkii ugu weyna ee dhinaca Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah in John Fetterman uu ku guuleystay kursigii Senate-ka  ee gobolka Pennsylvania oo ay hore u heysteen Jamhuurigu.

Tirinta codadka doorashada xilliga dhexe ee dhacday xalay ayaa ka socota guud ahaan dalka Mareykanka, waxaana natitiijooyinka doorashadan ay go'aamin doonaan xisbigii la wareegi lahaa aqlibiyadda Aqalka Senate-ka iyo Aqalka Wakiillada labada sano ee soo socota ee maamulka madaxweyne Joe Biden.

Xsibiga Jamhuuriga oo doonaya inuu xannibo ajandeyaasha madaxweyne Joe Biden hadii ay ku guuleystaan aqlibiyadda ayaa waxaa dhiirigeliyay walaaca laga qabo sicir-bararka sare iyo dembiyada.

Jamhuuriyiinta ayaa si weyn loogu saalinayaa inay soo doortaan shanta kursi ee ay u baahan yihiin si ay u hoggaamiyaan aqlibiyadda Aqalka Senate - oo hadda u kala qaybsan 50-50, iyadoo Dimuqraadiyiintu ay haystaan cod kala bax ah.

Warkii ugu farxadda badnaa ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah in John Fetterman uu ku guuleystay kursigii Senate-ka ee gobolka Pennsylvania oo ay hore u heysteen Jamhuurigu, taasoo fure u ah rajada xisbiga ee ah inay sii heystaan kantaroolka Senate-ka. Wuxuu ka guuleystay Mehmet Oz oo ahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

Doorashooyinka kale ee dhinaca Senateka ee ay weli socoto tirinta codadkooda waxaa ugu xiiso badan kuwa ka dhacay Nevada, Georgia iyo Arizona.

35 kursi oo aqalka Senate ah iyo dhammaan 435 kursi ee Golaha Wakiilada ayaa doorashadoodu xalay dhacday.

Doorashooyinka 2022 ee xilliga dhexe ayaa sida uu sheegay ururka daba-galka dhaqaalaha ee OpenSecrets noqoneynaa tii ugu qaalisaneyd ebid doorashooyinka Mareyka ee heer federaal iyo heer gobol, iyada oo la saadaliyay inay ku baxeyso $16.7 bilyan.

Dhinaca guddoomiyeyaasha gobolladana, Xisbiga Dimuqraadiga ayaa kusoo baxay gobollada aadka loogu loollamo ee Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania, kuwaas oo sidoo kale ahaa goobo muhiim u ahaa guushii madaxweyne Biden. Laakiin Jamhuuriga ayaa dhinacooda kusoo guuleystay goboolada ay ku awoodda badan yihiin ee Florida, Texas iyo Georgia.

Afhayeenkii hore ee Aqalka Cad Sarah Huckabee Sanders oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa iyana noqotay haweeneydii ugu horeysay oo guddoomiye ka noqota gobolka Arkansas, oo mar uu aabaheed guddoomiyaha ka ahaa.

Sarah Huckabee Sanders ayaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu aheyd afhayeenka Aqalka Cad.

Natiijooyinka iyo wararka kusoo kordha doorashadan halkan ayaad kala socon doontaan.

Reuters, AP.

XS
SM
MD
LG