Washington —
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo qaar badan oo ka mid ah taageerayaashiisa ayaa cadeyn la’aan ku andacoonaya in doorashadii 2020-kii dalkan ka dhacday la xaday, waxayna ay ka digayaan in si taas la mid ah ay dhici karto doorashada 2024-ka.
Saraakiisha doorashooyinka ee xisbiyada Dimoqraadiga iyo kuwa Jamhuuriga ee Gobolka Michigan ayaa ku muransan sheegashadaas, waxayna ka shaqeynayaan inay u xaqiijiyaan dadka Maraykanka in codadkooda ay sugan yihiin.
Madaxa Xafiiska VOA ee Aqalka Cad Patsy Widakuswara ayaa warbixintan ka soo diyaarisay Michigan, waxaana soo jeedineysa Caasha Ibraahim Aaden.
Madal