Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Kari Lake u xushay madaxa VOA


Election 2024 Vance
Election 2024 Vance

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in uu qorsheynayo in Kari Lake, oo ah siyaasi iyo saxafiyad hore oo reer Arizona ah, uu u magacaabo madaxa idaacadda Voice of America ee ay dowladdu maalgeliso.

Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social kaga dhawaaqay in Lake loo magacaabi doono agaasimaha VOA. Lake waxay saaxiib dhow oo siyaasadeed u tahay madaxweynaha la doortay, waxayna horey war akhriye uga aheyd xarun taleefishin oo Fox News ay ku leedahay Phoenix, Arizona.

Waxay ka shaqaynaysay saxaafadda 27 sano ka hor inta aysan ka tagin xirfadda 2021, si ay ugu tartanto barasaabka gobolka Arizona.

Intii lagu guda jiray tartankii aysan ku guuleysan ee Senate-ka ee 2024, Lake waxay tiri Arizona waa in ay noqotaa “tan hoggaanka u haysa siyaasadaha America Kow."

Trump ayaa sidoo kale Arbacadii qoray in uu dhawaan ku dhawaaqi doono qofka uu u xushay in uu madax ka noqdo hay’adda USAGM, taas oo VOA ay hoos timaado, ayada iyo warbaahin kale oo ay dowladdu maal-geliso. Jagadaasi waa mid madaxweynaha uu magacaabayo oo u baahan ansixinta Senate-ka. Trump wuxuu sheegay in agaasimaha uu u magacaabi doono USAGM uu si dhow ula shaqeyn doono Lake.

Madaxa fulinta ee USAGM waxa uu hubiyaa in warbaahinta ay ka soo baxaan waajibaadkooda ah in ay soo saaraan warbaahin sax ah oo lagu kalsoonaan karo oo loogu talagalay wadamada leh xorriyad warbaahin oo xadidan.

Agaasimaha hadda ee VOA, Mike Abramowitz, ayaa email uu u soo diray shaqaalaha subaxnimadii Khamiista ku sheegay inuu akhriyay ku dhawaaqista Lakle, habeenkii Arbacada, balse aan la siin macluumaad dheeraad ah oo ka baxsan qoraalka baraha bulshada.

"Waxaan soo dhaweynayaa awood isku wareejin u dhacda si habsami leh, oo ah USAGM iyo VOA. Waxaan damacsanahay inaan la shaqeeyo maamulka cusub oo aan raaco nidaamka,” magacaabista agaasimaha VOA, ayuu qoray.

Sharciga Dib-u-habaynta Maamulka Wakaaladda ee 2020

Madaxa USAGM waxa uu awood u leeyahay in uu shaqaaleysiiyo ama eryo madaxda shabakadaha, laakiin marka la eego sharci la ansixiyay December 2020, isbeddelada madaxda shabakadaha waxay u baahan yihiin inay cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan guddiga hay’adda International Broadcasting Advisory.

Guddigu waxa uu ka kooban yahay lix xubnood oo uu madaxweynuhu magacaabo kuwaas oo ku shaqeeya muddo xileedyo, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka. Shaqadeedu waa inay la taliyaan madaxa guud, si loo hubiyo inuu ixtiraamo madax-bannaanida tifaftirka iyo sharafta shabakadaha, uuna xaqiijiyoo in la ilaaliyo heerarka ugu sarreeya ee saxaafadda.

[[ https://www.ibab.gov/about-us/statute-bylaws-and-functions/ ]]

Qoraal ay soo dhigtay barta X, ayey Lake ku sheegtay inay sharaf u tahay in looga fakaro doorka VOA. Waxay sheegtay in VOA ay tahay "warbaahin caalami ah oo muhiim ah" oo kor u qaada "dimoqraadiyadda iyo runta."

“Hoggaankayga, VOA waxay ka soo bixi doontaa howlgalkeeda: soo gudbinta guulaha Mareykanka ee adduunka oo dhan."

VOA ayaa isku dayday in ay la xiriirto Lake oo ay ka hesho faallo ayada oo u mareysa qeybta warbaahinta ee website-keeda, balse jawaab kama helin illaa xilligii la daabacy qoraalkan.

VOA-du waxay toddobaad walba 49 luuqad ugu baahisaa dhageystayaal gaaraya 354 milyan oo qof, Agaasimaheeda hadda, Abramowitz, waa madaxweynihii hore ee Freedom House, wuxuuna wariye iyo tafatire ka ahaa Washington Post 24 sano.

[[ https://www.voanews.com/a/usagm-names-freedom-house-president-as-new-voa-director-/7577060.html ]]

Madal

XS
SM
MD
LG