Muqdisho —
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo shalay ka dhacday Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.
Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.
Haddaba waxaan idinla wadaageynaa sooyaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay nala wadaageen kooxda ololihiisa.
Waxaa warbixintan diyaariyey Cabdixakiin Maxamuud Shirwac?