Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahin ku saabsan dagaalka ka qarxay degaanka Qaayib


Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira
Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira

Dagaal ayaa ka socoda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ku sugan, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Darawishta Galmudug, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka.

Weerarkan oo ku biloowday qarax, waxaana jira khasaare iyada oo ilo ku sugan magaalada Baxdo oo u dhow deegaanka Qaayib ay VOA u sheegeen in Isbitaalka magaaladaas la keenay dhaawacyo.

Warbaahinta dowladda ayaa dhinaca kale sheegtay in ciidamada xoogag iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen sadex qarax oo 'Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.'

Al-Shabaab ayaa hore u burburisay isgaarsiinta deegaanka Qaayib, waana markii labaad oo dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ay ka qaraxaan deegaankan.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Faah-faahin ku saabsan dagaalka ka qarxay degaanka Qaayib
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:51 0:00

XS
SM
MD
LG