Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal beeleedka ka socda Mudug


Waxaa dagan xaaladda deegaanadii lagu dagalamay ee galbeedka gobalka Mudug, halkaasi oo maalmahan ay ka taagan tahay colaad beeleed ay dad badan ku dhinteen, taasi oo salka ku haysa muran dhuleed.

Dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof iyadoo qaar kale oo badanna ay ku dhawaacmeen

Maamullada Galmudg iyo Puntland, oo ay kasoo kala jeedaan beelaha dagaalamay, ayaa wada dadaallo nabaded oo ay ku kala qaadayaan maleeshiyada qabaa’ilka ee is-horfadhiya.

Guddi wasiirro ah oo ka kala tirsan labada maamul kuwaasi oo ku baxay colaadda ayaa so saaray qodoba horudhac u ah dadaallada nabadda ay ka wadaan galbeedka gobalka Mudug.

Wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sida hadda ay tahay xaaladda deegaanka iyo qodabadii labada dhinac ay isla gaareen uga warramay wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal beeleedka ka socda Mudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG