Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey natiijada doorashada Turkey


Turkiga ayaa u jiheystey doorasho ku celis ah kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii Axadda.

Si kastaba ha ahaatee, Erdogan, oo 69 jir ah, soona xukumayey dalkaas 20 sano, ahna hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee dalkaas, ayaa soo bandhigay natiijo ka wanaagsan sidii la filayay.

Iyadoo in ka badan 96% sanaadiiqda cod bixinta la tiriyay, Erdogan ayaa ku hogaaminayay 49.44% halka Kilicdaroglu uu helay 44.86%. sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu.

Guddiga sare ee doorashada ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah aan la hubin, maadaama in ka badan codadka 3.4 milyan ee cod-bixiyaasha ee ku nool dibadda ay weli u baahan yihiin in la tiriyo.

Wararkii ugu danbeeyey ee doorashada Turkiga waxaa inoo soo direy wariyaheena Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Doorashada Turkey oo u jihaysatay wareeg labaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:17 0:00

XS
SM
MD
LG