Dimishiq —
Dawladii Suuriya ayaa burburtay subaxnimadii hore ee saaka kadib duulaan deg deg ah oo ay kooxaha mucaaradku ku qabsadeen magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Dimishiq.
Dadweyne badan ayaa jidadka isugu soo baxay si ay ugu dabaal degaan dhicitaanka qoyska al-Assad oo dalkaasi muddo konton sanno ah xukun adag ku soo maamulayay.
Wararkii ugu dambeeyey ee arrintan ay ka qortay wakaalada wararka ee Associated Press waxa soo jeedinaya Cabdixakiin Shirwac.
Madal