Hargeysa —
Guddiga doorashada ee Somaliland oo saqdii dhexe ee xalay war kasoo saaray doorashadii Arbacadii ka dhacday guud ahaan gobollada Somaliland ayaa sheegay inay socoto tirinta codadka, laakiin wali ay jiraan illaa laba degmo oo dib u dhacay, kuwaas oo maanta ay billaabayaan tirintooda.
Guddiga ayaa ka digay in la baahiyo wararka been abuur ah oo ku saabsan natiijooyin doorashada. Waxay si gaar ah ugu baaqeen saraakiisha xisbiyada inay xil iska saaraan wararka ay bulshada u sheegayaan.
Dhinaca kale qaar kamid ah culuma’idiinka iyo ganacsatada ayaa ku baaqay in siyaasiyiinta ay aqbalaan natiijada kasoo baxda doorashada.
Warkaan waxaa Hargeysa kasoo diray wariyaha VOA-da Xamse Cali Jeesto.
Madal