Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Barakacayaasha Burco oo loo sameeyey beero casri ah


Ku dhawaad 2,000 oo qof oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Burco ayaa la sheegay in loo sameeyay beero ay uga soo go'ayaan khudaar iyo midho ay iyagu iska leeyihiin.

Guddoomiyaha Hayaadda Maaraynta Barakacayaasha iyo Qoxootiga ee Somaliland, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa VOA u sheegay in ay saddex goobood ka sameeyeen beeraha casriga ah ee green-house ka loo yaqaano, beero kale oo yar yarna ay ka sameeyeen xeryaha ama goobaha ay barakacayaashu degan yihiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qaar ka mid ah barakacayaasha iyo tahriibeyaal dib loo soo celiyay loo sameeyay ganacsi iyo shaqo-abuur ay noloshooda ku maareeyaan.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa khadka telefon ka kula xidhiidhay Cabdikariin Xinif oo ka wareysatay mashruucan.

Wareysi: Barakacayaasha Burco oo loo sameeyey beero casri ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:12 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG