Beledweyne —
Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya yaa maanta la wareegay Buundada degaanka Xawaadley oo hoos tagta degmada Balcad ee Gobalka Shabelle dhexe.
Bundada Xawaadley ayaa muhiim u ahayd isu socodka Al-shabab ee goballada labada Shabelle, Hiiraan iyo Galgaduud.
Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane ayaa hawlgalkan ka waraystay taliyaha hoggaaminayey hawlgalkaas Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqeey).